Sidee ayay kuula muuqataa in loola dhaqmo dadka xiska ka xanuusanaya amma waalan?
Sharraxaad kooban.
Xanuunka dhinbirka amma waallida ayaa baadhitaanno kala duwan
oo la sameeyey waxay caddeeyeen inuu sare u kacay sannadadii ugu
danbeeyey deegaannada ay dadka Soomalida ahi degaan. Tusaale ahaan
marka aad joogto magaalooyinka Hargeysa, Garoowe, Gaalcakayo,
Muqdisho iyo meelaha kale ee soo raaca waxa aad arkaysaa dadka xiska
ka xanuusanaya amma waalan oo waddooyinka iyo meelo aanay
nadaafadoodu hagaagsanayn ku sugan. Waxa jira tirooyin badan oo kale
oo dadka ehelada u ahi silsilado guryaha dhex dooda ku xidhaan.
Iyagoo xadhigaa ku sababeeya mid ay ku ilaalinayaan ammaanka qofka
waalan in aan dhib loo gaysan amma aanu isagu dhib gaysan.
Su'aasha toddobaadka.
Haddaba dhegayste sidee ayay kuula
muuqataa in loola dhaqmo dadka xiska ka xanuusaya amma waalan?
A-In eheladoodu guryaha ku xidhaan
B-In la sii daayo oo ay si xor ah isaga noolaadaan
C-In la geeyo goobaha lagu xannaaneeyo dadka xiska ka xanuusanaya amma
waalan
Tilmaame.
Fadlan
marka aad jawaabta soo diraysid raac tilmaamahan:
Ku qor
halka farriinta lagu qoro ee telefoonkaaga marka hore HIRAD kaddibna
raaci A, ama B, C, ama D, haddii aad qorto “Hirad A” waxa aad
dooratay In eheladoodu guryaha ku xidhaan. Hirad
B waxay la mid tahay “In la sii daayo oo ay si xor ah
isaga noolaadaan." Haddii aad qorto “Hirad C” waxay
kaaga dhigantahay "In
la geeyo goobaha lagu xannaaneeyo dadka xiska ka xanuusanaya amma
waalan
.”
Intaa midkood marka aad qorto u dir 313,
telefoonkaagu lacag kaama jaranayo marka aad jawaabtan noogu soo
diraysid 313.
Xilliganna waxaa farriimohooda
soo diri kara dhagaystayaashayada Puntland, Galmudug, badhtamaha iyo
koonfurta Soomaaliya ee isticmaalaya telefoonnada Golis iyo Hormood,
iyo qofkasta oo degaanno kale ku isticmaalaya telefoonka Golis iyo
Hormood. Sidoo kale dhageystayasha ku dhaqan somaliland ee isticmaala
telefoonka Telesom dhawaan ayey nagu soo biiri doonaan.
Bahda Hirad.